Magan Forum

Warbixin: Sooyaalka iyo Mustaqbalka Xawaaladaha Soomaaliya

Muqdisha 30-12-2023: Madasha Magan Forum ayaa qabatay markii sadexaad barnaamijka Magan Talk oo had iyo jeer lagu casuumay waaya-araga Soomaaliyeed ee bulshada usoo qabtay adeegyo muhiim ah, waxaana markaan marti ku ahaa mudane Cabdullahi Nuurre Awdiini oo in ka badan 30 sano kasoo shaqeenaayay xawaaladaha iyo bangiyada, barnaamijka waxaa xiriiryay Cabdullaahi Maxamed Xasan (Black).

Agaasimaha Magan Forum mudane Abubakar Yasin ayaa daahfuray barnaamijka isla markaasna martida kusoo dhaweeyay madasha ugana mahadceliyay kasoo qaybgalkooda iyo sida u ay bulshada waxtar ugu leedahay in la diiwaangaliyo cashirna laga barto wixii sooyaal taariikheed ah ee lasoo maray.

Cabdullaahi Nuurre ayaa ka sheekeeyay sida ay kusoo bilaabatay nidaamka xawaaladaha dhammaadkii todobaatameeyadii ilaa markii ay dhacday dawladdii dhexe, waxa uuna sheegay in xawaaladuhu kasoo bilawdeen heer lacagta la isku dhaafsado badeeco dibada laga soo gado kadibna gudaha dalka lacagta laga siiyo qofkii u baahnaa, intaas ayadoo joogta ayaa waxaa dhacay dagaalkii sokeeye markaasna waa timid baahidii rasmiga ahayd ee bulshada ay u qabtay xawaalad maadaama dadkii Soomaaliyeed ay kala lumeen oo la Kala fogaaday loona baahday in la isku gurmado.

Intii lagu jiray sagaashamaadkii xawaaladuhu waxa ay ku shaqeeyeen hab aad u adkaa oo ayna sabab u ahayd maadaama uu cariiri ahaa nidaamka isgaarsiinta Xawaaladahana ay u baahnaayeen si ay dadka loo adeegayo isku gaaraan xogtana loo Kala gudbiyo, waxaana la isticmaali jiray qalabka isgaarsiinta ee maraakiibta saaran kadib waxaa la helay taarar markii dambena waaba lasoo horumaray oo ganacsato Soomaaliyeed ayaa hirgaliyay isgaarsiin rasmi ah.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in laga soo bilaabo 1995 ilaa muddo dheer ay dalka ka shaqeenaayeen xawaalado ay kamid ahaayeen Barakaad, Dahabshiil iyo kuwa kale oo yaryaraa, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ay adeeg wanaagsan bulshada usoo qabteen xawaaladaha, waqtigaas oo qoysas badani ay ku tiirsanaayeen lacagaha loosoo mar iyo xawaaladaha, taasoo ahayd xadi badan oo dhaqaale ah oo dalka soo gali jiray.

Waxaa kale uu intaas ku daray guddoomiyaha in ganacsatada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa xawaaladaha oo ka shaqeynaayay lacag kala gudbin lana macaamilaayay dalka iyo dibada ay dhibaato badan Kala kulmeen dawlad la’aanta maadaama inta qaarkood la iska soo eedeeyo la iska xiri jiray iyadoo aan maxkamad la saarin wax cadeyn ah aan lagu helin, waxaana kamid ahaa dadkii ay dhibaatadaas ku dhacday xawaaladii Barakaad oo la xiray sabab la’aan taasoo saamayn taban ku yeelatay xawaaladaha kale iyo ganacsatada inteeda kale.

Mustaqbalka xawaaladaha iyo sida uu noqon karo dhaqaalihii dadka Soomaaliyeed ay dibada kasoo diri jireen waxa ka yiri Cabdullaahi Nuurre waagii hore Haddii dadka Soomaaliyeed ee dibada ku maqan ay soo diri jireen biilka qoysaska hada waxaa moodaa in ay dalka soo galinayaan lacago maalgalin ah oo ay guryo ku dhisanayaan ama ganacsi ku furanayaan,

Madasha ayaa lagu gorfeeyay sooyaalkkii ay soo mareen xawaaladaha Soomaaliyeed, kaalintii ay nolosha dhaqaale ee bulshada ugu jireen waqtiyadii adkaa ee dawlad la’aanta iyo colaadaha sokeeye, waxaa la isku dhaafsaday su’aalo dhaxalgal ah oo badankood aan hore looga hadlin lana soo bandhigin waxaana ka jawaabay guddoomiye Cabdullahi Awdiini.

Ugu dambayntii madasha ayaa kusoo dhammatay si wanaagsan oo lagu kala faa’idaystay macluumaad wax ku ool ah oo gali doona diiwaanka sooyaalka taariikheed ee halgankii adkaysiga bulshada Soomaaliyeed, dhanka kale martida iyo kasoo qaybgalayaasha ayaa ugu mahadceliyay isla markaana ku bogaadishay shaqada ay wado madasha Magan Forum.

Muuqaalka barnaamijka oo dhammaystiran waxaan ka daawan doontaan barteena YouTube ku dhufo HALKAAN

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top