
Muqdisha 31-08-2023: Madasha Magan ayaa magaalada Muqdisha ku qabatay barnaamijka MaganTalk oo had iyo goor lagu casuumo waaya-araga Soomaaliyeed ee bulshada usoo adeegay, waxaana markaan looga hadlay barnaamijka “Sooyaalka Daryeelka Caafimaadka Dalka Soomaaliya” iyadoo ay marti ku ahaayeen labada dhaqtar ee kala ah Prof. Dr. Cabdirisaaq Dalmar iyo Prof. Dr. Cismaan Dufle, kuwaas oo kasoo qaybgalayaasha la wadaagay xaaladaha iyo marxaladaha uu soo maray caafimaadka guud dalka.
Madasha waxaa daahfuray Guddoomiryaha Boorka Magan mudane Maxamed Caddow iyo Agaasimaha Magan mudane Abubakar Yasin iyagoo kusoo dhaweeyay martida, mas’uuliyiinya iyo aqoonyahanka kasoo qaybgalay barnaamijka, kadibna waxaa bulshada su’aalo dhawr ah uga jawaabay labada dhaqtar ee mudada dheer dadka iyo dalka Soomaaliyeed usoo adeegayay.
Barnaamijka waxaa kasoo qaybgalay xildhibaano, aqoonyahano iyo mas’uuliyiin ka socday ururada bulshada, waxaana la isku dhaafsaday arrimaha la xiriira caafimaadka dalka gaar ahaan taariikhaha lasoo maray, horumarada laga gaaray daryeeka caafimaadka, sida loo maalgashan karo dhanka caafimaadka iyo qodobo kale.
Labada dhaqtar ayaa hoosta ka xariiqay in ay dhanka daryeelka caafimaadka laga gaaray horumar la taaban karo balse ay baahida wali badan tahay, waxaa la falaanqeeyay sida ugu habboon ee loo dabooli karo baahida taagan, waxaana madasha laga xusay habab kala duwan oo iskaashi lagu samayn karo si sare loogu qaado tayada caafimaadka dalka.
Prof. Dr. Cabdirisaaq Dalmar ayaa sheegay in cilmi-baaris ay sameeyeen lagu ogaaday in tobankii kune ee soomaali ay ku soo aadayso 0.3 dhaqtar, halka caalamka loogu talagalay in ay helaan ugu yaraan 3 dhaqtar, waxaana uuna xusay in dhanka caafimaadka Soomaaliya uu horumar sameeyay balse wali baahida jirta ay badan tahay, wali jaamacado, isbitaallo iyo dhaqaatiir siyaado ah la rabo.
Wuxuuna intaas ku daray Prof. Dr. Dalmar “Daraasada waxaan ku ogaanay in Soomaaliya dadka caafimaadka dibada u aada sannad walba ay ku baxdo lacag dhan 2 bilyan oo dolar, taasoo haddii la helo maalgashi maxali ah laga baaqsan karo, dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaana nagala rabaa inaan ganacsatada ka gadno in caafimaadka ay maalgashadaan”.
Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed mudane Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa yiri “Ganacsatada maalgashi waa u bisilyihiin, waxaa loo baahan yahay in aan horumarino isbitaallada caafimaadka iyadoo ay muhiim tahay in la isaga yimaado oo aan iska kaashano maadaama dhaqaatiirta ay aqoontii leeyihiin annagana aan lacagta hayno”
Martida madasha ee ah labada dhaqrtar ayaa soo dhaweeyay fikrada guddoomiye Maxamuud Gabeyre iyagoona tilmaamay in ay soo jeedintaas hore usii ambaqaadi doonaan oo wadahadal laga yeelan doono sidii loo hirgelin lahaa.
Ugu dambayntii madasha oo socotay saacado isla markaasna aan wali si dhammaystiran loo wada gaari guud ahaan macluudmaadka ku gedaaman ciwaanka ayaa waxaa soo xiray labada dhaqtar oo sheegay in ay bogaadinayaa madasha Magan Forum oo soo qabanqaabisay kulanka.
Muuqaalka oo dhammaystiran waxaa ka daawan kartaa barta YouTube ee Magan Forum oo ku dhufanayaan HALKAN
Dhammaad